Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ayaa qaadatay Domain-ka .edu.so

Summary. Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka heshay aqoonsi lagu aqoonsaday in jaamacadda hesho DOMAIN-ka .Edu.so ee u gaarka ah jaamacadaha dalka ka hawlgalo oo ay aqoonsan tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“edu.so” waa mid ka mid ah magacyada domain-ka heerka sare ee la isticmaali karo marka la dooranayo magac domain. Guud ahaan waxa ay qeexaysaa cidda leh magaca domain-ka sida jaamacad aqoonsi ka haysato dowladda Soomaaliya.

Waxaan ogaysiinaynaa dhammaan ardayda iyo inta xiisaynayso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha in laga tagi doona sanad kadib domainka ay jaamacadda hadda isticmaasho oo ah www.unigovec.com loona beddeli doona www.unigovec.edu.so

Hadda jaamacadda waxay si rasmi ah u isticmaashaa domainka unigovec.edu.so laakiin sababta aan u ogaysiinayno ayaa ah arday badan ayaa ku xeran jaamacadda oo laga yaabo inay ku jahwareeraan marka ay rabbaan inay soo galaan gudaha webka jaamacadda.

Waxay noo tahay sharaf inaan ku ogaysiino inaadan ku jahwareerin marka aad soo booqanayso gudaha webka jaamacadda. Marwalbo waxaad naga mudan tahay inaan kula shaqeyno illaa aad ka gaarayso hadafkaaga waxbarasho.

Ujeedkeena ayaa ah in aan horumarino jiilka dambe si bulshada Soomaaliyeed ay u noqoto bulsho xaddaarad leh. Cilmi baaris ayaa muujinaysa in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 30 sano. Inta badan waxay awood u leeyihiin inay dalka sii burburiyaan ama dib u dhiska dalka ay ka qayb qaadan karaan.

Taariikhda Soomaaliya waxay sheegaysaa in koox ka kooban 13 dhallinyaro ah yihiin aasaasayaashii qarannimada Soomaaliya. Waxay xornimada ku keeneen go’aan adag iyo inay ka go’aneed inay ka adkaadaan gumeysiga. Maanta dhalinyaradii waa laga saaray nidaamka dowladnimo ee jira maanta, malaha waa qaran dumis.

Waxaa lama huraan ah in fikradaha dhalinyarada lagu daro wacyigelintooda, hababka dhisidda nabadda iyo go’aan ka gaarista nabadda iyo colaadaha. In dhalinyarada wax la baro oo ay yeeshaan tacliin sarre waxay kor u qaadaysaa awoodooda, waxayna siinaysaa fursad ay ku horumariyaan noloshooda iyo sidoo kale bulshooyinkooda waana sababta aan u jirno haddii aan nahay Jaamacadda Dawladda iyo Dhaqaalaha.

Facebook
LinkedIn
Twitter
Email
Scroll to Top