Shahaadada Jaamacaddeed ee Maamulka Dowliga ‘Bachelor of Public Administration’

Summary. Si lagaaga caawiyo diiwaan gelinta iyo guud ahaan su'aalaha aad u baahan tahay in lagaaga jawaabo waxaad nagala soo xariiri kartaa emailka ama telefonka lambarka Jaamcadda: +252610171010, isla lambarkaas ayaad WhatsAppka nagala soo xariiri kartaa. Guushaada waa sababta loo aasaasay UNIGOVEC.

Kuliyada waxbarasho ee Maamulka Dawliga ah (Bachelor of Public Administration) waxay noqotay kuliyadaha caanka ah oo ay bartaan dadka raba inay u addeegaan bulshadooda, sida laamaha dowladda ee kala duwan. Hawlaha shaqo ee kuliyadan waxbarasho ayaa isugu jira heer gobol iyo heer degmo.

Dadka qaata shahaadada bachelorka ah ee Maamulka Dawliga waxay ka shaqeeyaan xarumaha dawladda federaalka sida xafiisyada Ra’isul Wasaaraha, Xafiiska Madaxweynaha, Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Caafimaadka, Wasaaradda Qorshaynta, Wasaaradda Gaashaandhigga iwm iyo dadka qaar waxay doortaan inay u shaqeeyaan hay’adaha aan macaash doonka ahayn iyo meheradaha bixiya adeegyada dadweynaha.

Sida la ogsoon yahay, maamulayaasha dawladdu waxay horumariyaan oo hirgeliyaan siyaasadda madaxda dowladda, iyaga oo matalaya muwaadiniinta. Hoggaamiyayaal badan oo bulsheed ayaa ah xirfadlayaasha maamulka dawliga ah sidaas awgeed waxaa suurta gasha inay horumariyaan bulshada. Waxayna xoogga saaraan barnaamijyada daboolaya baahiyaha bulshada.

Mid ka mid ah siyaabaha ugu wanaagsan ee shaqo loogu heli karo dawladda waa in aad haysato shahaadada koowaad ee jaamacadda. Hadaba inaad duceysan tahay waxaad ku oganaysaa kuliyada maamulka dawliga ah waxad ka helaysaa Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha, RIIX HALKAAN sidoo kale adigoo gurigaaga jooga ayaad iska diiwaan gelin kartaa.

Kuliyadaan waxbarasho adiga ayaa laguugu talagalay, waa haddii aad xiisaynayso inaad ka shaqayso ururada dadweynaha iyo kuwa aan macaash doonka ahayn, sida maamulka adeegyada gurmadka, ama maamulka dadweynaha. Barnaamijkaan waxbarasho ayaa laga yabaa inuu kugu habboon yahay.

Kuliyadan Maamulka Dawliga ah waxaad ku baranaysaa:

  • Horumarinta iyo hirgelinta siyaasadda guud ee dawladda dhexe, gobolka, iyo dawladaha hoose.
  • Wax soo saarka ururada dadweynaha, iyo falanqaynta Maareynta Tayada Guud (TQM).
  • Haggaajinta isbeddellada hadda jira ee maareynta dadweynaha oo u nugul caqabadaha.
  • La shaqeynta nidaamyada addeega madaniga ah iyo hababka mudnaanta, iyo ka qaybgal arrimaha xiriirka shaqaalaha ama gorgortanka wadajirka ah.
  • Taageerida waaxaha badbaadada dadweynaha ee dhaqtarka caafimaadka degdegga ah, gaadiidka gurmadka, ilaalinta tayada, laamaha booliska iyo ka hortagga dabka iyo xakamaynta.

Kuliyadan Maamulka Dawliga waxay leedahay darajooyin shaqo oo kala duwan oo aad u badan. Xulashooyinka kale ee xirfadeed waxaa ka mid ah maareynta horumarinta magaalooyinka, maaliyadda dadweynaha, ama qorsheynta iyo horumarinta magaalo ama gobol.

Kuliyadda waxbarasho ee Maamulka Dawladda waa hirgelinta siyaasadda dawladda ee u adeegta dad-weynaha, qaadista go’aanada dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed iyo go’aammada ficillada iyo horumarinta barnaamijyada dadweynaha ee wanaagga bulshada iyo muwaadiniinta. Ujeeddooyinka maamulka dadweynaha waxay ku xiran yihiin qiyamka nidaamka bulshada loo dejiyay sida sinnaanta, amniga iyo caddaaladda.

Ardayda ka qalin jabiya oo qaata shahaadada Maamulka Dawladda (Bachelor of Public Administration) wuxuu bartay xirfadaha soo socda: xirfada samafalka, maamulida adeegyad rayidka, maamulida qorshaha dawladda hoose, cilmi baare bulsheed, mashruucyada waxbarasho ama maamulaha daryeelka caafimaadka, arrimaha dadweynaha/la taliyaha maamulka, qorsheeyaha magaalada, falanqeeyaha miisaaniyadda iyo khabiirka xiriirka shaqada iwm.

Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxay kuu diyaarisay kuliyaddan waxbarasho aad ku qaadan karto qaab Online ah.

Facebook
LinkedIn
Twitter
Email
Scroll to Top