Kusoo dhawoow macluumaad koobaan oo ku saabsan Koorsada Maamulka Ganacsiga Caalamiga ee ay bixinayso Jaamacada Dowladda iyo Dhaqaalaha oo marka loo soo gaabiyo noqonayso UNIGOVEC.
Halkaan waxaan kusoo koobnay macluumaad kooban oo ku saabsan koorsada Maamulka Ganacsiga Caalamiga iyo macluumaad kale oo aad muhiim ugu ah qof walbo oo xiisaynaayo nidaamka waxbarasho iyo qaababka loogu mid noqon karo koorsooyinka ay bixiso jaamacadda.
Maxaad ku baranaysaa koorsadaan?
Koorsadaan waa koorso ka kooban illaa iyo 5 mawduuc oo balaaran. Koorsadaan waxay ku baxaysaa afka Soomaaliga si bulsha weynta Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha caalamka wax badan ugu bartaan Maamulka Ganacsiga Caalamiga. Sidoo kale waxaad si hagar la’aan ah ugu baran doontaa xirfada maamulka iyo maareynta, heerarka ay u qeybsanto maamulka iyo maareynta, fahanka dhaqaalaha iyo isbedelada suuqyada dunidda, dhaqaalaha, suukh-yada, qaababka heshiisyada u dhaxeeya wadamada iyo canshuur bixinta.
Ujeeddada koorsadan ayaa ah in ardayda loo soo bandhigo fahanka aas aasiga ee ganacsiga caalamiga ah. Ardaydu waa inay bartaan seddex qaybood oo aasaasi ah: aragtiyaha aasaasiga ah ee ganacsiga caalamiga ah, arrimaha deegaanka ee saameeya howlaha caalamiga ah, iyo maaraynta howlaha ganacsi ee qaab caalami ah.
Koorsada Maamulka Ganacsiga Caalamiga wuxuu khuseeyaa dhammaan nooc walbo oo ganacsi ah ee ka hawlgala laba dal ama in ka badan. Ganacsiga caalamiga ah wuxuu ku lug leeyahay howlaha ay ka mid yihiin dhoofinta iyo soo dejinta, la macaamilka dowladaha shisheeye, dhaqamada iyo qawaaniinta, iyo sidoo kale xeerarka gudaha ee saamaynaya shirkadaha doonaya inay ku ganacsadaan meel ka baxsan dalkooda.
Koorsadan online-ka ah waxay ardayda u soo bandhigaysaa dhaqammada ganacsiga ee jawiga maanta adduunka ka jira. Koorsadu waxay ku bilaabmaysaa dulmar guud oo ku saabsan ifafaalaha Caalamiyaynta iyo kala duwanaanshaha muhiimka ah ee lagu garto waddammada kala duwan ee Dunida. Kadib, ardayda waxaa loo soo bandhigi doonaa isbeddellada saameynaya ganacsiga adduunka iyo jawiga maalgashiga iyo sidoo kale istiraatiijiyadda iyo qaab-dhismeedka ganacsiga caalamiga ah. Ugu dambeyntiina, waxaa ardayda loosoo bandhigi doonaa arrimo la xiriira howlaha ganacsi ee caalamiga ah sida wax soo saarka, suuqgeynta, saadka, maareynta shaqaalaha iwm.
Luuqada ay ku baxayso?
Koorsadaan waxay ku baxaysaa luuqada afka Soomaaliga 100%, koorsada inteeda badan waa qoraal af soomaali ah oo aan ku jirin wax luuqado kale. Dhammaan cashirada waxaa laguugu diyaariyey gudaha webside-ka jaamacada – laga bilaabo cashirka koowaad illaa imtixaanka koorsada waxaad ka dhex helaysaa gudaha website-ka jaamacada Unigovec, mana ahan wax lagu soo diraayo WhatsApp, Telegram iwm dhamaman cashirada waxaa loo habbeeyey qaab casriyeysan oo ardayga iyo macalinkuba u suurta gelinaayo in aqoonta la isu-gudbiyo.
Inta maalmood ee ay soconayso Koorsada MGC?
Koorsada waxay soconaysaa 10 maalmood, marka aad dhammeysato dhammaan cashirada waxaa ku xiga imtixaan oo islamarkiiba kuu soo baxaayo. Imtixaanka kadibna waajib kuguma ahan inaad 100% keento imtixaanka balse waa inaad iskudaydaa inaad keento natiijo fiican waxaadna haysataa intaas mar oo aad ku noqnoqon karto illaa aad ku baasto imtixaanka balse xasuusnoow 30 maalmood ma ahan in ay dhaafto, wixii wakhtigaas ka dambeeyo koorsada waa ay kaa dhacaysaa sidoo kale waa ay isxiraysaa, waxaana waajib kugu ah inaad markale iibsato koorsada.
Sideen iskeega diiwaan gelin karaa koorsooyinka Online-ka ah ee jaamacada Unigovec?
Waxaa jira qaabab kala duwan ee aad iskeega diiwaan gelin karto haddii aan soo qaadano xalka ugu fudud ayaa ah qodobadaan soo socda:,
Xalka 1aad
Buuxbuuxi foomka koorsada aad u baahan tahay waliba adigoo meel walbo dunida ka jooga kadibna iska bixi fee-ga koorsada waxaadna ku bixin kartaa: Haddii aad ku nooshahay Soomaaliya oo aad rabto in aad si toos ah lacag uga bixiso lambarkaaga, isticmaal lambarkan Tel: 0610171010 – EVC Plus, Zaad, Sahal, EDAHAB iwm ama akoonka bangiga ee jaamacadda ku bixi ee Premier Bank ama Salaama Somali Bank
1. Salaam Somali Bank: 3524 1389 (The University of Government and Economics) Haddii aad telefonkaaga kasoo dirtayso *799*koontada*lacagta#
2. Premier Bank Account: 02030 1244001 (Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha).
Xalka 2aad
Marka aad koorsada qaadato oo aad dhameysato imtixaanka koorsada, waxaad dalbanaysaa koorsada aad qaadatay shahaadadeeda adigoo emailkaan u diraayo certificates@unigovec.edu.so, waxaadna ka dalbanaysaa jaamacadda. Haddii macluumaadkaaga oo dhammeystiran la helo waxaad ku helaysaa shahaadaada 3 maalmood gudaheeda inta badan ardaydeena waxay ku helaan 24 gudaheeda.
Ogaysiis farxad leh,
Qiimaha koorsada Maamulka Ganacsiga Caalamiga hadda waa $35 oo kali, qiimahii hore wuxu ahaa $65 oo ka baxsaneed lacagta shahaadada oo ahayd 15$ waa qiimo dhimis loo sameeyey dadka jecel inay ka faa’idaystaan koorsadaan.
– Hadda qiimaha koorsada waa $35 oo kali, waxaana ardayda laga dhaafay $10 ee shahaadada ah.
Yaa bixinaayo shahaadada koorsadaan, xaggeese ka helayaa?
Shahaadada koorsada waxaa bixinaayo Jaamacada Dowladda iyo Dhaqaalaha. Jaamacada waxay leedahay qeyb u gaar ah ee xirfadleyaasha ah ‘The Executive Professional Programs. Faa’idada ay leedahay inaad shahaadadaan qaadato ayaa ah fursadaha suukha shaqada ayaa baahi waxaa loo qabaa dad aqoon u leh xirfado kala duwan oo fahmi kara waxa dunida kale ka socda. Shahaadooyinka Online-ka ah ee ay jaamacada bixiso waxay siinaysaa ardayga casharro urursan sida xirfadaha wax ku oolka ah, oo ah hab ku habboon oo qiimo jaban leh, anagoo fiirinayno horumarinta bulshada qeybaheeda kala duwan. Intaasi waxaa sii dheer jaamacadda waa ay kuu xisaabinaysaa shahaadooyinka aad ka qaadato waliba inaad horey ugu sii socoto darajada labaad ee aad ku haminayso sida darajada koowaad iyo darajada aas aasiga ah ‘Associate degrees.
Sidoo kale, faa’iidada wanaagsan ee ay leedahay barnaamijyada shahaadooyinka Online-ka ah ee ay jaamacadda bixiso ayaa ah inaad kamid noqoto tirada xirfadlayaasha la aqoonsan yahay ee laxiriira meelaha laga yaabo in lagaa qoro adiga sida shirkadaha waa weyn, taas oo balaarin doonta awoodaada isku xirnaanshaha asxaabta mustaqbalka iyo xitaa suurtagalnimada ah inaad noqoto ganacsade hal abuur fiican leh.
Haddii aad waligaa ku fekertay qaadashada koorso online ah ee aad shahaado ku qaadanayso, wakhti ka fiican hadda ma jiro!
HALKAAN RIIX si aad u hesho koorsada Maamulka Ganacsiga Caalamiga.