Shahaadada Jaamacaddeed ee Maamulka Ganacsiga Caalamiga

Summary. Si lagaaga caawiyo diiwaan gelinta iyo guud ahaan su'aalaha aad u baahan tahay in lagaaga jawaabo waxaad nagala soo xariiri kartaa emailka ama telefon lambarka Jaamcadda WhatsAppka: +252610171010

Dhawrkii sano ee la soo dhaafay waxaa soo badanayey baahida shirkadaha maxaliga ah ay u qabaan dad aqoon duruqsan u leh Maamulida Ganacsiga Caalamiga. Sababtoo ah dunida waxa ay noqotay hal tuullo oo dadka oo dhan isugu yimadaan.

Isku xirnaan aan hore loo arag oo dunida ka jirta awgeed, waxa ay sabab u tahay caalamiyeynta. Tani waxay sahashay balaarinta inta badan shirkadaha iyo ganacsiyada meelo kala duwan oo adduunka ah. Fududeynta ganacsiga waxay keentay inay soo baxaan tartameyaal badan oo ka kala tirsan qaybaha kala duwan ee ganacsiga adduunka.

Sidaa darteed, shirkaduhu waxay u baahan yihiin inay dejiyaan xeelado cusub ee ku aadan hawlahooda ganacsiga caalamiga ah sida ugu macquulsan. Waxay u baahan yihiin khabiiro si ay uga caawiyaan gaaritaanka yoolalkooda iyo ballaarinta shabakadooda suuqa caalamiga ah. Waxaana jirta baahi weyn oo ay shirkadaha u qabaan fikrado ganacsi – taas oo ah Maareynta Ganacsiga Caalamiga ah.

Waa maxay Maareynta Ganacsiga Caalamiga ah?

Maareynta Ganacsiga Caalamiga ah waa nidaam ku salaysan maamulida shirkadaha iyo ganacsiyada ka hawlgala wadamo kala duwan. Shaqada Maareeyaha Ganacsiga Caalamiga ah waxay ka kooban tahay kor u qaadida fidinta baddeecadaha iyo addeegyada shirkadda ee ku baahsan aag juqraafiyeed, ururinta xogaha suuqyada maxalliga ah, dejinta xeeladaha, lahaanshaha istaraatiijiyad ku habboon iibsashada badeecadaha shirkada, xeeladaha suuq-geynta, aqoonsiga macaamiisha la beegsanayo, iyo hirgelinta qiimaha saxda ah ee alaabta ‘badeecooyinka’. Ujeedadu waa in alaabta la diyaariyo oo la daryeelo si loo helo faa’iidada ugu badan.

Sidee lagu noqon karaa Maareeyaha Ganacsiga Caalamiga ah?

Inaad noqoto Maareyaha Ganacsiga Caalamiga ah waxay marka hore kaaga baahan tahay aqoon inaad u yeelato masuuliyaddaas, waana mid ka mid ah fursadaha shaqo ee ugu faa’iidada badan. Waa sababta ay dhalinyaro badani u tixgeliyaan qaadashada kuliyadan waxbarashada jaamacaddeed oo leh magdhow lacageed oo qurux badan.

Shuruudaha lagu noqonayo maareeyaha ganacsiga caalamiga ah waa qodobadan soo socota:

Shahaadada Jaamacaddeed ee Maamulka Ganacsiga Caalamiga: Marka hore dhammeystiro kuliyadaada waxbarashada jaamacaddeed ee Bachelor Degreega ah.

Layli shaqo (Internship): Mudada 3-da sano ee aad dhiganayso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa lagaa rabaa inaad shaqayso muddo 3 bilood ah si cilmiga aad baratay aad ugu shaqeyn karto. Farqi weyn ayaa u dhexeeya goobaha shaqada iyo goobaha waxbarashada. Si derbigaan loo jabiyo ardayda dhigato Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa loo diraa layliyo shaqo, waxayna ardayda ka helaan khibrad shaqo oo faa’ido weyn u leh si aysan indhaha u taagan marka ay jaamacadda dhammeystirtaan.

Waxaa jira layli shaqo oo lacag ah iyo mid aan mushahar lahayn

Waxaa jira laba nooc oo layliyo ah, kuwa lacag bixinaayo, iyo kuwa lacag la’aan. Inta badan waa lacag la’aan muddadaas 3-da bilood ah, laakiin waxaa laga yabaa inaad hesho kuwa mushaar bixinaayo.

Caadi ahaan waxay bixiyaan mushahar yar, laakiin waxay isu bedeli kartaa mushaar toos ah oo lacag fiican leh, waa haddii ay ka helaan shaqadaada, caqlaaqdaada iyo dadnimadaada. Haddii aad si xamaasad leh u shaqeyso, waxaa jirta fursad uu ururkaasi/shirkadaasi ku siin doono heshiis qandaraas toos ah.

Faa’idooyin aan la soo koobi karin ayaa ku jira in ardaydeena aado Layli Shaqo

Khibrad shaqo oo qiimo leh.

Midda ugu horreysa iyo tan ugu muhiimsan waa, dabcan, helitaanka khibrad shaqo oo qiimo leh. Waxaan waqtigeena qaaliga ah ku bixinaa waxbarasho aan noo diyaarin nolol la taaban karo, sax?

3-da sano ee waxbarashada jaamacaddeed, inta badan waxaynu leenahay hal hadaf. Inteena badan ujeedkeena waxbarasho ayaa ah inaan imtixanaadka ku baasto oo aan helno natiijo fiican. Laakiin ma isweydiisay waxbarashada kadib, ma tahay qof u diyaarsan inuu shaqeysan karo ama shaqo raadsan karo? sidee ula qabsan kartaa goobaha shaqada?

Layliga Shaqo waa wadada kaliya ee kaa caawin kara oo ku baraya qaybta dhabta ah ee nolosha maalin laha ah. Indhahaagu aad bay u furmi doonaan markaad ogaato goobaha shaqada iyo waxyaabaha ka jira, gaar ahaan farqiga u dhexeeya cilmiga aad jaamacadda kasoo baratay iyo goobaha shaqada. Ujeedka ay jaamacadda ka leedahay layligaan shaqo ayaa ah in ardayda ka baxday Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ay yihiin kuwa u diyaarsan suuqa shaqada, wakhti horeba CV-gooda dhisan yahay.

3-da sano ee Bachelor-ka ah ee barnaamijka Maareynta Ganacsiga Caalamiga ah waxaa loogu talagalay dadka raadinaya inay bartaan xirfad ganacsi iyo maareynta xaaladda ganacsiga caalamiga ah ee maanta. Kuliyadan waxbarasho waxay kuu diyaarin doontaa inaad ka shaqeyso ganacsi kasta oo leh hawlgallo caalami ah, ama shirkad ganacsi kasta oo rabta inay ballaariso ganacsigeeda maxaliga ah.

Kuliyadan waxbarasho, waxay kuu diyaarinaysaa inaad sahamin karto dhaqaalaha caalamiga ah iyo kartida aad ku horumarin karto shirkad cusub oo rabta inay ganacsigeeda kusii balaariso suuqyada caalamiga ah.

Shahaadadan koowaad ee ay bixiso Jaamacadda Dowlada iyo Dhaqaalaha waxaad ku qaadan doontaa koorsooyin kuu oggaan kara wax kasta aad u baahan tahay inaad ka ogaato shirkadaha caalamiga ah iyo nidaamyada ay u shaqeeyaan, waa wadada kuu sahli karto inaad abuurto ganacsi guulaysta. Laga soo bilaabo kobcinta fikrad ganacsi oo rajo leh ilaa iyo hogaaminta ballaarin ee caalamiga ah, waxaadna dhisi doontaa xirfadaha ku habboon si aad u maareyso safarkaas si wax ku ool ah.

Yaa iska diiwaan gelin kara?

Waxaa bilaabi karo oo iska diiwaan gelin karo qofwalbo oo dugsiga sarre dhammeeyay, qof horrey usoo qaatay kuliyadaha kale ee waxbarashada jaamacaddeed. Haddii aad rabto inaad Maamulka Ganacsiga Caalamiga barato xittaa adigoo PhD haysta ayaad bilaabi kartaa shaahadadan jaamacaddeed ee Maareynta Ganacsiga Caalamiga.

Facebook
LinkedIn
Twitter
Email
Scroll to Top