Shahaadada Jaamacaddeed ee Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga

Summary. Si lagaaga caawiyo diiwaan gelinta iyo guud ahaan su'aalaha aad u baahan tahay in lagaaga jawaabo waxaad nagala soo xariiri kartaa emailka ama telefon lambarka Jaamcadda: 0610171010 ama WhatsApp: +252610171010 Email: admissions@unigovec.edu.so

Shahaadadan koowaad ee jaamacaddeed ee Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga waa barnaamij shahaado jaamacaddeed oo 3 sano ah oo ay bixiso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha.

Ardayda waxay ku baran karaan gudaha xarunta Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalah ee magaalo madaxda Soomaaliweyn, Muqdisho. Haddii kale, waxay ku qaadan karaan qaab Online waliba iyagoo meelwalbo dunida ka jooga. Wakhtiyadan dambe, ardayda waxay door bidaan inay qaab online ah ku qaataan sababtoo ah waxay haystaan fursado ay ku shaqeysan karaan sidoo kale waxay wakhti fiican u heli karaan qoysaskooda ay jecel yihiin.

Waxbarashadu waxay muhiim u tahay dhammaan dhinacyada nolosha, hadday tahay shaqsi ahaan ama mid xirfadeed. Waxay kaa caawinaysaa balaarinta fikradahaaga, sidoo kale waxayna kaa caawinaysaa inaad horay u socoto.

Waxbarashada waligeed ma noqonin sida ay maanta tahay. Taas oo ay ugu wacan tahay teknoolijiyada dhijitaalka ah, waana fursad qaali ah ee ay Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha soo kordhisay in qaabkaan Online-ka ah wax loogu baran karo.

Fursadahan ayaa ardayda siinaya xorriyad ay wax ku bartaan. Sida aad ka heli karto kuliyadaha ay bixiso jaamacadda dhammaan koorsooyinka aad qaadan doonto isla sharaxaada kuliyadaha ayaa lagu sheegay. Waa koorsooyin loo habbeeyay oo loo qorsheeyey si ay u suurtogeliyaan isu dheelitirnaanta nolosha shaqada iyo waxbarashada.

Marka aad wax kabaranayso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha qaab Online ah uma baahnid inaad dal kale ama aad masaafo dheer u baxdo si aad koorso ama kuliyad waxbarasho ugu qeyb gasho. Waxaad qaadan kartaa koorsada aad u baahan tahay adigoo aan ka tegin booskaaga shaqo ama gurigaaga iyo caruurtaada aan ka dhex bixin.

Jaamacadda Dawladda iyo Dhaqaalaha, ardayda Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga ka baxo waxay noqdaan kuwo aqoon u leh qaybo badan oo kala duwan, oo ay ku jiraan maaliyadda, xisaabaadka, suuq-geynta, hawlaha saadka, xirfada iibinta, iyo guud ahaan xirfada maamulida.

Barnaamijkan waxbarashada jaamacaddeed ee Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga waa barnaamij isku dhafan oo saddex sano ah oo ujeedadiisu tahay in lagu baro ardayda xirfadaha heerarkeeda sare si ardaydeena u noqdaan kuwa hal-abuur ganacsi leh, aragti iyo karti wax ku ool ah, taas oo ujeedkeedu tahay waxbarashada sare ee kuliyadan.

Barnaamijkan waxbarasho wuxuu ka kooban yahay koorasyo kala duwan sida xisaabaadka, maaliyadda, dhaqaalaha, suuq-geynta, iyo istiraatiijiyadda. Intaa waxaa dheer, koorsooyinka waxaa ku jira kuwa cilmiga bulshada iyo sharciga, gaar ahaan sharciyada canshuuraha iyo sida ay bulshada u fekerto.

Waa maxay sababta Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga ay u tahay doorasho waxbarasho oo wanaagsan?

Sababtoo ah waa mid ka mid ah kuliyadaha waxbarasho ee ugu caansan, waxaana barta dadka raba inay yeeshaan hal-abuur ganacsi sidoo kale riyadoodu tahay ganacsade inay noqdaan. Barnaamijkan waxbarasho ardayda wuxuu ka caawin doonaa inay bartaan dhinacyada kala duwan ee ku saabsan maamulka ganacsiga iyo maaraynta iyada oo loo marayo koorsooyin iyo xirfado aqooneed oo la taaban karo.

Shahaadada Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga waxay ku baraysaa xirfadaha lagama maarmaanka u ah qaybaha ganacsiga ee kala duwan, sida maaliyadda, xisaabaadka, hawlgallada, ilaha fahanka bulshada, suuqgeyn, iyo maamulka. Waxay kaloo kuliyadan gacan ka geysan kartaa horumarinta hoggaamintaada, hababka falanqaynta, xallinta mashaakilaadka, xiriirka, iyo xirfadaha ganacsi ee waxtarka u leh hoggaamiyeyaasha ganacsiga ee mustaqbalka kuwaasoo tartan adag la geli karo shirkadaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah.

Intaa waxaa dheer, barashada Maamulka iyo Maareynta Ganacsiga waxay gacan ka geysan kartaa horumarinta iyo dhaqaalaha waddan kasta iyadoo keenta fursadaha shaqo abuurista, inay soo baxaan hal-abuuriyaal ganacsi, iyo adeegyo cusub oo casri ah.

Layli shaqo (Internship):

Mudada 3-da sano ee aad dhiganayso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa lagaa rabaa inaad shaqayso muddo 3 bilood ah si cilmiga aad baratay aad ugu shaqeyn karto. Farqi weyn ayaa u dhexeeya goobaha shaqada iyo goobaha waxbarashada. Si derbigaan loo jabiyo ardayda dhigato Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa loo diraa layliyo shaqo, waxayna ardayda ka helaan khibrad shaqo oo faa’ido weyn u leh si aysan indhaha u taagan marka ay jaamacadda dhammeystirtaan.

Waxaa jira layli shaqo oo lacag ah iyo mid aan mushahar lahayn

Waxaa jira laba nooc oo layliyo ah, kuwa lacag bixinaayo, iyo kuwa lacag la’aan. Inta badan waa lacag la’aan muddadaas 3-da bilood ah, laakiin waxaa laga yabaa inaad hesho kuwa mushaar bixinaayo.

Caadi ahaan waxay bixiyaan mushahar yar, laakiin waxay isu bedeli kartaa mushaar toos ah oo lacag fiican leh, waa haddii ay ka helaan shaqadaada, caqlaaqdaada iyo dadnimadaada. Haddii aad si xamaasad leh u shaqeyso, waxaa jirta fursad uu ururkaasi/shirkadaasi ku siin doono heshiis qandaraas toos ah.

Faa’idooyin aan la soo koobi karin ayaa ku jira in ardaydeena aado Layli Shaqo

Khibrad shaqo oo qiimo leh.

Midda ugu horreysa iyo tan ugu muhiimsan waa, dabcan, helitaanka khibrad shaqo oo qiimo leh. Waxaan waqtigeena qaaliga ah ku bixinaa waxbarasho aan noo diyaarin nolol la taaban karo, sax?

3-da sano ee waxbarashada jaamacaddeed, inta badan waxaynu leenahay hal hadaf. Inteena badan ujeedkeena waxbarasho ayaa ah inaan imtixanaadka ku baasto oo aan helno natiijo fiican. Laakiin ma isweydiisay waxbarashada kadib, ma tahay qof u diyaarsan inuu shaqeysan karo ama shaqo raadsan karo? sidee ula qabsan kartaa goobaha shaqada?

Layliga Shaqo waa wadada kaliya ee kaa caawin kara oo ku baraya qaybta dhabta ah ee nolosha maalin laha ah. Indhahaagu aad bay u furmi doonaan markaad ogaato goobaha shaqada iyo waxyaabaha ka jira, gaar ahaan farqiga u dhexeeya cilmiga aad jaamacadda kasoo baratay iyo goobaha shaqada. Ujeedka ay jaamacadda ka leedahay layligaan shaqo ayaa ah in ardayda ka baxday Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ay yihiin kuwa u diyaarsan suuqa shaqada, wakhti horeba CV-gooda dhisan yahay.

Tan iyo markii la aasaasay, barnaamijkan waxbarasho ee Nabadda iyo Caddaaladda Bulshada ee Caalamiga ah wuxuu ardayda barayaa sida ay dhaqso u fahmi karaan marka ay jirto caddaalad-darro, gaar ahaan isbarbardhiga caddaalad-darrooyin hore iyo kuwa jira hadda iyo sida loo aqoonsado nidaamyada dowladdeed ee rabshadaha ku dhisan.

Nabadda Caalamiga ah iyo Caddaaladda Bulsho waa barnaanij waxbarasho jaamacaddeed oo ujeedkiisu yahay inay abuurto muwaadiniin xog-ogaal ah oo firfircoon oo u fiirsada arrimaha dowladnimada iyo qiyamka lagama maarmaanka u ah dhismaha bulshada si wax loogu qabto colaadaha iyo caddaaladda iyo sinnaanta la’aanta.

Yaa iska diiwaan gelin kara?

Waxaa bilaabi karo oo iska diiwaan gelin karo qofwalbo oo dugsiga sarre dhammeeyay, qof horrey usoo qaatay kuliyadaha kale ee waxbarashada jaamacaddeed.

Si’aad iskeega diiwaan geliso kuliyadan waxbarasho waxaad u baahan tahay inaad halkaan ka akhrisato RIIX HALKAAN. Haddii wakhti horeba aad go’aansatay inaad kamid noqoto ardaydeena waxaad u baahan tahay oo kali inaad iska diiwaan geliso sida ugu dhaqsiyaha badan adigoo nagala soo xariiri karo emailka xafiiska diiwaangelinta: admissions@unigovec.edu.so ama telefon lambarkeena: 61010 71010

Waxaad kaloo si toos ah iskeega diiwaan gelin kartaa qaab ONLINE ah, adigoo waliba kusoo diri karo dhammaan dokumentiyada lagaaga baahan yahay si ay jaamacadda kuu aqbasho: RIIX HALKAAN

Facebook
LinkedIn
Twitter
Email
Scroll to Top