Shahaadada Koowaad ee Cilmiga Siyaasadda ‘Bachelor in Political Science’

Summary. Waa mid kamid ah kuliyadaha waxbarashada ee ay bixiso Jaamacadda bixiso. Ujeedka ayaa ah in ardayda xiisaynayso afkooda hooyo loogu sharaxo kuliyadan cilmiga siyaasadda oo ah. Waa heerka koowaad ee cilmiga siyaasadda, Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxay qaadataa celcelis ahaan seddax sano, waa marka aad si buuxda u xaadirto.

Weligaa qof xil haaya ma fiirisay oo ma iswaydiisay sida uu meeshaas ku gaaray? Mise ma iswaydiiyey sida uu qof ku noqday madaxweyne malaayiin qof ay taageersan tahay? Hogaamiyaasha waaweyn iyo xitaa kuwa caanka ah waxay ku yimaadeen aqoonta iyo xirfadaha malaayiin arday ay soo barteen.

Ardayga ku takhasusa cilmiga siyaasadda ayaa noqda qof fahan-sare leh, waxaana u fudud inuu fahmo doodaha siyaasadda. Ardayda cilmigaan barato waxay noqdaan dad qorayaal oo mufakiriin adag ah, waxayna cilmi-duruqsan u leeyihiin sida loo baaro awoodda iyo nidaamka dowladnimada.

Waa maxay Cilmiga Siyaasadda ‘Political Science’?

Cilmiga siyaasadda waa erey ballaaran oo loo adeegsado tixraaca cilmiga bulshada ee dowladnimada ee heer degmo, gobol iyo heer federaal. Waa cilmi bulsheed oo ka hadlaya hababka maamulka iyo awoodda, iyo falanqaynta dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, fikirka siyaasadeed, habdhaqanka siyaasadeed, iyo dastuurrada iyo sharciyada la xidhiidha. Cilmiga siyaasadeed ee casriga ah guud ahaan waxa loo qaybin karaa saddexda qaybood ee kala ah siyaasadda isbarbardhigga, xidhiidhka caalamiga ah, iyo aragtida siyaasadda.

Cilmiga siyaasadda waa barashada cilmiga la xariira dowladnimada iyo arrimaha bulshada. Waa cilmi bulsheed oo ka hadlaya hababka maamulka iyo awoodda, iyo falanqaynta dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed, fikirka siyaasadeed, hab-dhaqanka siyaasadeed, iyo dastuurrada iyo sharciyada la xidhiidha.

Cilmiga siyaasadeedka ee casriga ah guud ahaan waxa loo qaybin karaa saddexda qaybood ee kala ah siyaasadda isbarbardhigga ‘comparative politics’, xiriirka caalamiga ah, iyo aragtida siyaasadda. Hab-hoosaadyada kale ee xusidda mudan waa siyaasadda guud iyo maamulka, siyaasadda gudaha iyo dawladda, dhaqaalaha siyaasadda, iyo hab siyaasadeedka kale ee bulshada. Intaa waxa dheer, cilmiga siyaasada waxa uu la xiriiraa, oo soo jiitaa dhinacyada dhaqaalaha, sharciga, cilmiga bulshada, taariikhda, falsafada, juquraafiga bini’aadamka, iyo cilmi-nafsiga siyaasadeed.

Maxaan ku baranayaa Cilmiga Siyaasadda ‘Political Science’?

Inta aad ku dhex jirto seddaxda sano ee ay Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ugu talagashay manhajka barashada cilmiga siyaasadda ayaa waxaad ku baran doontaa mowduucyo la xiriira aragtida siyaasadda, xiriirka caalamiga ah, siyaasadda isbarbardhigga ‘comparative politics’ iyo mawduucyo kale oo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.

Ujeedka laga leeyahay ardayda baranaayo cilmigaan ayaa ah inay fahmaan arrimaha siyaasadda iyo aragtiyaha la xariira cilmigaan oo ay yeeshaan xirfado ay si kalsooni leh ugu wajahaan su’aalaha cilmi-baarista. Marka ay dhammeystaan ‘oo ay ka qalin-jabiyaan’ 3-da sano ee manhajka jaamacadda waxay halkaas kasii wadi karaan darajada labaad ee Master Degree-ga.

Cilmiga siyaasadda waa barashada siyaasadda; dabeecadda, iyo natiijooyinka go’aannada iyo tallaabooyinka wadajirka ah ee ay qaadaan kooxo dad ah oo ku dhex milmay dhaqamada iyo hay’adaha qaabeeya awoodda heer degmo, gobol iyo federaal. Waxay ardayda si qoto-dheer u fahmaan:

  • Xiriirka ka dhexeeya dawlad-goboleedyada.
  • Qaab-dhismeedka siyaasadeed ee taariikhiga ah, sida Giriigii hore, dowladda Soomaaliya iyo dowladaha kale ee caalamka ka dhisan.
  • Xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo bulshada.
  • Fahanka ujeedooyinka iyo hab-dhaqannada siyaasadeed, oo u dhexeeya dano gaar ah iyo kuwo daacadnimada ah.
  • Saamaynta waxyaabaha ay ka midka yihiin kooxaha danaha gaarka leh, xisbiyada siyaasadda, qaab-dhismeedka bulshada iyo ururada kale ee bulshada.
  • Fahamka xoogagga qaabeeya xiriirka caalamiga ah, siyaasadda iyo bulshada guud ahaan.
  • Xirfadaha gorfaynta ee khuseeya arrimaha siyaasadda.
  • Awoodda horumarinta iyo soo bandhigida habaysan, qancin iyo doodo caddayn ku salaysan.
  • Kartida lagu fahmo saamaynta go’aamada siyaasadeed.
  • Awoodda lagu ogaanayo isbeddellada siyaasadeed iyo kuwa bulshada sida gaarka ah u quseeyo.
  • Ardayda waxay kaloo yeeshaan awooda lagu saadaaliyo natiijooyinka siyaasadeed

Xaggee ka shaqeyn karaa haddii aan barto cilmiga siyaasadda ‘Political Science’?

Rumayso ama ha rumaysan, ardayda ka qalin-bedesha kuliyada cilmiga siyaasadda intooda badan waxay noqdaan siyaasiyiin ama qareeno. Xagee shaqo ka heli doontaa?

Darajada cilmiga siyaasadda waa dariiqa aad ku fahmi karto waxa ka socda dalkaaga, nidaamka dowladnimo ee ka jira iyo guud ahaan caalamka. Si kastaba ha ahaatee, fahanka aad fahanto cilmiga siyaasadda ayaa waxay ku dhaxalsiin kartaa inaad bilawdo ama aad ku haminayso inaad kamid noqoto hogaamiyaasha samatabixin lahaa shacabka. Kahor inta aadan u tartamin xafiis dowladeed waxa laga maarmaan ah inaad cilmi gaar ah u yeelato cilmiga dowladnimada.

In kasta oo arday badan oo ka qalin jabiyay cilmiga siyaasadda ayaa gala siyaasadda. Shaqooyinka ay qabtaan waxaa kamid ah:

  • Maamulka dadweynaha,
  • Hay’addaha aan faa’iido doonka ahayn,
  • Qareen,
  • Falanqeeye siyaasaddeed,
  • Shaqaalaha xiriirka dadweynaha,
  • Wariye
  • Madaxa Jinsiyadda iyo Socdaalka,
  • Xildhibaanno,
  • Maareeyaha Magaalada,
  • U doodaha arrimaha bulshada,
  • Cilmi-baare Qandaraas leh ah,
  • Diblomaasi,
  • Agaasimaha Siyaasadda Dadweynaha,
  • Madaxa Guddiga Doorashooyinka,
  • Agaasimaha Siyaasadda Arrimaha Dibadda,
  • Cilmi-baare Dawladeed,
  • Wakiilka Barnaamijyada Dowladda,
  • Madaxa Horumarinta ee Komishanka Xuquuqul Insaanka,
  • Falanqeeyaha hay’adda sirdoonka,
  • Madaxa Sirdoonka,
  • Kaaliyaha Sharci-dejinta,
  • Sharci dejiye,
  • Masuul Dawlada Hoose,
  • Duqa magaalada,
  • Sarkaal Ciidan,
  • Kaaliyaha Wasiirka,
  • Falanqeeyaha Siyaasadda Kheyraadka Dabiiciga ah,
  • Maareeyaha Ololaha Siyaasadda,
  • La-taliye Siyaasadeed,
  • Isuduwaha Siyaasadda,
  • Cilmi-baare Siyaasadeed,
  • Saynisyahan Siyaasadeed,
  • Xoghayaha Warfaafinta,
  • Qorsheeyaha Caafimaadka Dadweynaha,
  • La-taliyaha Siyaasadda Dadweynaha,
  • Qorsheeyaha Siyaasadda Dadweynaha,
  • Qorsheeyaha Siyaasadda Gobolka,
  • Maamulaha Arrimaha Xeer-dejinta,
  • Khabiirka Arrimaha Sharciga,
  • Kaaliyaha Cilmi-baarista,
  • La taliyaha sare ee siyaasadda,
  • Safiirka Qaramada Midoobay iyo
  • Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka

Barnaamijka waxbarashada ee cilmiga siyaasadda waxay ka horumarisaa qofka dhinacyo badan ee xirfadaha lagama maarmaanka u ah shaqooyin badan. Barnaamijka waxbarashada ee cilmiga siyaasadda waxay ka horumarisaa qofka dhinacyo badan ee xirfadaha lagama maarmaanka u ah shaqooyin badan: waxaa ka mid ah isgaarsiin wanaagsan, hab-fekerka qofka oo muhiim ah, awoodaha gorgortanka, dhexdhexaadinta, iyo dhageysiga. Si aad u bilowdo shaqo dowladeed oo faa’iido badan kuu leh, shahaadada koowaad ee jaamacadda waa bilow fiican. Shaqooyin badan ee dowladeed waxaa ku xeran shuruudaha shahaado seddax sano ah oo cilmiga siyaasadda ah.

Sidee ardayga ugu mid noqon karaa ardayda Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha?

Si ardayga ugu mid noqdo ardayda bilaabi raba cilmiga siyaasadda waxaa waajib ku ah inuu marka hore soo buuxiyo sharuudaha loogu baahan yahay. Heerka koowaad ee cilmiga siyaasadda, Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxay qaadataa celcelis ahaan seddax sano, waa marka aad si buuxda u xaadirto. Halkaan riix macluumaad dhammeystiran.

Guud ahaan, hoggaanka kuliyada ardayda iyo hawlwadeenada waxay horumariyaan kuliyadaha jaamacadda si ardayga ujeedka laga leeyahay loo gaaro. Sida magaca jaamacadda laga dareemi karo, jaamacadda waxay qaas u tahay diyaarinta ardayda raba inay isu diyaariyaan hogaanka dalka ee beri.

Facebook
LinkedIn
Twitter
Email
Scroll to Top