Sharcigu waa hab-raac ka shaqeeya fahamka iyo fasiraadda nidaamka xeer-hoosaadka, qawaaniinta, digreetooyinka iyo xeerarka khuseeya heer qaran ama heer caalami. Kuliyada Waxbarashada ee Sharciga lagu barto ee ay bixiso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waa isku darka maaddooyin badan oo aragtiyo kala duwan leh iyo daraasado kiisas dembiyo ah, kuwaas oo ka caawiya ardayda inay horumariyaan xirfadahooda iyagoo u maraya nidaamka waxbarasho ee ay jaamacadda ugu talagashay inay ku horumariso ardaydeeda.
Qareen waa qof bartay sharciga oo u tababaran xirfadle sharciga. Waa khabiir ku takhasusay shuruucda iyo xeerarka sharciga, sidaa darteed waxa uu u qalmaa in uu matalo, caawiyo, la taliyo, difaaco shirkadaha dowliga iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.
Qaybaha ugu caansan ee sharciga waxaa ka mid ah Sharciga Caalamiga ah, Sharciga Midowga Afrika, Sharciga Yurub, Sharciga Dambiyada, Sharciga Madaniga, Sharciga Dadweynaha, Sharciga Ganacsiga, iwm.
Layli shaqo (Internship): Mudada 3-da sano ee aad dhiganayso Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa lagaa rabaa inaad shaqayso muddo 3 bilood ah si cilmiga aad baratay aad ugu shaqeyn karto. Farqi weyn ayaa u dhexeeya goobaha shaqada iyo goobaha waxbarashada. Si derbigaan loo jabiyo ardayda dhigato Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha waxaa loo diraa layliyo shaqo, waxayna ardayda ka helaan khibrad shaqo oo faa’ido weyn u leh si aysan indhaha u taagan marka ay jaamacadda dhammeystirtaan.
Waxaa jira layli shaqo oo lacag ah iyo mid aan mushahar lahayn
Waxaa jira laba nooc oo layliyo ah, kuwa lacag bixinaayo, iyo kuwa lacag la’aan. Inta badan waa lacag la’aan muddadaas 3-da bilood ah, laakiin waxaa laga yabaa inaad hesho kuwa mushaar bixinaayo.
Caadi ahaan waxay bixiyaan mushahar yar, laakiin waxay isu bedeli kartaa mushaar toos ah oo lacag fiican leh, waa haddii ay ka helaan shaqadaada, caqlaaqdaada iyo dadnimadaada. Haddii aad si xamaasad leh u shaqeyso, waxaa jirta fursad uu ururkaasi/shirkadaasi ku siin doono heshiis qandaraas toos ah.
Faa’idooyin aan la soo koobi karin ayaa ku jira in ardaydeena aado Layli Shaqo
Khibrad shaqo oo qiimo leh.
Midda ugu horreysa iyo tan ugu muhiimsan waa, dabcan, helitaanka khibrad shaqo oo qiimo leh. Waxaan waqtigeena qaaliga ah ku bixinaa waxbarasho aan noo diyaarin nolol la taaban karo, sax?
Yaa iska diiwaan gelin kara?
Waa shahaadada koowaad ee sharciga. Waxaa bilaabi karo oo iska diiwaan gelin karo qofwalbo oo dugsiga sarre dhammeeyay, qof horrey usoo qaatay kuliyadaha kale ee waxbarashada jaamacaddeed. Haddii aad rabto inaad sharciga iyo qaanuunka wax badan ka barato xittaa adigoo PhD haysta ayaad bilaabi kartaa shaahadadan jaamacaddeed ee sharciga ah.
Dadka dhigta kulyada sharciga inta badan waa dad damiirkooda darreeyo, waxayna arkaan dhaqanno badan oo sharciga ka baxsan, daacadnimaduna waxay u tahay tayada lama huraanka ah. Waxay u arkaan musuqmaasuqa inuu yahay jid-gooyo weyn oo hortaagan horumarinta bulshooyinka, waxayna hiigsanayaan inay horumariyaan bulshadooda iyo kuwa caalamka iyagoo hubinaya in cadaalada aan eexda lahayn la fuliyo. Qaybaha ay Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha kusoo dartay qaanuunka waxaa ka mid ah sharciga qandaraasyada, sharciga ciqaabta, sharciga hantida, sharciga ciqaabta, hagidda hay’adaha waaweyn ee dowladda, sharciga dastuurka, sharciga xuquuqda aadanaha, iwm. Ardayda waxay fursad u helayaan inay ku dhaqmaan waxay barteen.
Markaad baranayso Sharciga, waxaad sidoo kale horumarin doontaa oo aad kor u qaadi doontaa xirfadahaaga fagaaro-ka-hadalka iyo awoodda aad u samayn karto dood oo aad ku taageerto xaqiiqooyinka khuseeya dadweynaha. Waxaad isticmaali kartaa mabaadi’da hadalka si aad u wanaajiso awooddahaaga.
Xirfadaha sharciga waxay kuu oggolaanaysaa inaad u shaqeyso sidii qareen, garsoore, dambi baare, shaqaale talobixinta ku wanaagsan, dhexdhexaadiye, iyo in ka badan. Haddii aad go’aansato inaad noqoto garsoore, qareen wax difaaci kara, xeer ilaaliye, ama aad rabto inaad ka shaqayso hay’ad ama shirkad gaar ah loo leeyahay, waxaa lagaa filayaa inaad yeelato aqoon heerkeedu sareeyo, dareen cadaaladeed inaad leedahay, inaad ku wanaagsan tahay habka eray bixinada cilmiga ku dhisan, iwm. Waxaadna noqon kartaa qof xasuustiisa sarreyso, haysta fikir iyo mabaadii adag, waxna gorfayn kara.
Dunida maanta waxay u baahan tahay xirfadlayaal sharci-yaqaano ah oo badan. Waxaad noqon kartaa mid ka mid ah dadka runta difaaca oo hubsada in bulshadeenu ay nabad iyo cadaalad ku jirto, taasina waa wax aad ku faani karto.