Taliyihii ugu horreeyay ee Sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya

Xaquuqda sawirka waxaa iskaleh BBC Somali.
Xaquuqda sawirka waxaa iskaleh BBC Somali.
Summary. Qoraalkaan waxaa markii hore daabacay BBC Somali. Asalka xaquuqda qoraalka waxaa marwalbo iska leh Bbcsomali isla iyaga kala xariir. Ujeedka ayaa ah in ardaydeena ka helaan macluumaad muhiimad ah.

Sarreeye-gaas Jaamac Maxamed Qaalib (Jaamac Yare) AUN wuxuu ahaa Taliyihii ugu horreeyay ee Sirdoonka Jamhuuriyadda Soomaaliya. Jaamac Maxamed Qaalib waxa uu sannadkii 1933-dii ku dhashay Deegaanka Dhoodigaban ee gobolka Sanaag. Isaga oo 12 jir ah ayay hooyadiis geeriyootay. Markii uu u adkaysan waayay rajanimada iyo nolosha adag ee miyiga ayuu u soo wareegay magaalada Hargeysa.

Waligiis ma dhigan dugsi Quraan, dugsi hoose, dhexe, sare ama jaamacad. Waa iskoris isagu wax isbaray. Isago oo 13 sano jir ah ayuu ku biiray xibisgii SYL, si uu u dhigto koorso lagu baranayay af Ingiriiska oo loo dhigayay xubnihii SYL ee magaalada Hargeysa.

Af Ingiriiskii uu ka bartay xaruntii SYL ayaa u furay albaab kale, oo isaga oo 15 sano jir ah ayuu biyatooni (Office Boy) ka noqday xafiiska Hawlaha Guud, April 1948. Mar kale ayuu 1950kii ka qaybgalay koorso luqadda Ingiriiska ah oo loo dhigayay Naadigii Shaqaalaha Soomaalida. Kadibna karraannimo ayaa loo dalacsiiyay 1952dii.

Booliiska ayuu ku biiray 1955kii. Sannadihii 1956kii ilaa 1957kii, waxa uu tababarro ku qaatay Machadkii Tababarrada ee magaalada Sheekh. Markii uu shahaadada qaanuunka ka qaatay machadkii Sheekh ayaa lagu qoray Saldhiga booliska ee Berbera oo uu saddex bil ka shaqeeyay, halkaas ayuu ku guursaday, waxaa looga sii bedelay saldhiga Hargeysa. Ka dibna waxa uu tababar sare oo Boolis loogu diray Dugsigii Tababarka Booliiska ee Metropolitan Police, London.

Markii uu 1959kii ka soo laabtay machadka Metropolitan Police ee magaalada London oo uu sanad ku maqnaa ayaa loo magacaabay Taliyaha Saldhigga Booliska ee magaalada Hargeysa. Wuxuuna xilkaas hayay ilaa maalmihii xurriyadda. Israacii labada gobol kadib, wuxuu Sarreeye Gaas Jaamac Yare noqday Taliyaha Booliskii Gobollada Waqooyi (1960-1962), kahor inta uusan noqon Taliyaha Sirdoonka iyo Amniga Qaranka (1962-1966).

Wuxuu mar labaad noqday Taliyaha Booliska Gobollada Waqooyi (1966-1969), isagoo afartii sanno ee ugu horreysay dowladdi Kacaanka loo magacaabay taliyaga guud ee Booliska Soomaaliyeed (1970-1974). Labaatankii sano oo uu baaliska ahaa wuxuu darajada ciidanka ka gaaray ilaa Sarreeye-gaas. Waxaana u xigtay 10 sano uu Wasiir ka ahaa Dowladdii Kacaanka. Wuxuu noqday Wasiirka Arrimaha Gudaha(1974-1976), Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada(1977-1978), Wasiirka Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Miyiga(1978-1982) iyo Wasiirka Gaadiidka(1982-1984).

Sarreeye-gaas Jaamac Maxamed Qaalib (biddix)

Guddoomiyihii hore Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Cusmaan Jawaari wuxuu agaasime-guud ka ahaa Wasaaraddii Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Janaraal Jaamac Wasiirka ka ahaa. Prof. Jawaari oo aan wax ka waydiiyay Janaraal Jaamac wuxuu ku jawaabay:

“Jaamac wuxuu ka mid yahay dadkii ugu dunta wanaagsanaa ee aan marxaladaha kala duwan la soo shaqeeyay. Waa mar-la-arag isagu wax is baray, kadibna isu xilqaamay kobcinta kasmada agaasiman ee dhallinyarada. Waa dhaqanyahan xogogaal u ah taariikhda Soomaaliya iyo marxaladihii siyaasadeed ee ay soo mareen labadii Jamhuuriyadood ee Soomaaliya soo yeelatay iyo marxaladdan dib u fufinta dawladnimada Soomaaliyeed ee hadda lagu dhisayo Jumhuuriyadii saddexaad ee federaaliga ah.

Dhallan ahaan, waa qof dhiiran oo aan ra’yigiisa la gamban; oo talakeen, talaqaadasho iyo tanaasulba leh. Ma aha macangag madax adag ee wuxuu si reer magaalnimo ah u sheegan jiray aragtidiisa, mana ku colaadin jirin qofkii ka aragti duwan ee wuxuu ka dalban jiray in uu fikirkiisa ku qanciyo.”

Soddon sano oo uu kaalin mug weyn ku lahaa dowladnimada Soomaalida kadib, wuxuu Jaamac isaga tagay shaqada dowladda May 1984dii. Wuxuuna noqday qareen isaga oo xafiis nootaayo ka furtay Muqdisho, wuxuuna tacbaday beer uu ku lahaa Afgooye. Mar aan waydiinnay sababta uu shaqada uga tegay wuxuu ku jawaabay “Waxaa la qabyaaladeeyay qaranka, oo xilalkii waxaa lagu tixay madaxweynaha ehelkiisa. Ma dooneyn in aan masuuliyad-wadareedka qaladkaas wax ku yeesho, sababtaas ayaana shaqada Dowladda uga tegay” ayuu yiri Jaamac Qaalib.

Markii ciidamadii dowladdu duqeeyeen Hargeysa ee shacab badan la xasuuqay 1988dii, wuxuu Jaamac ka mid noqday dadkii ka gadooday ee jabhadaha taageeray. Wuxuu xiriir hoose la sameeyay aasaasihi ururkii USC, Dr Ismaaciil Jimcaale Cosoble, wuxuuna taageeray jabhaddii waqooyiga ee SNM. “Waxaa laga quustay in kacaankii hagaago, sababtaas ayaana jabhadaha u taageeray, maalinna taageeradaas kama shallaaynin, in kastoo aan aaminsanaa in aysan SNM dalka kala goyn doonin, sidii ku qornayd Axdigoodii.” Jaamac Yare

Xiriir adag ayaa dhexmaray isaga ayaa iyo Dr. Ismaaciil Jimcaale. Markii uu Dr. Jimcaale geeriyooday bartamihii 1990 ee dowladdiina burburtay dabayaaqadii isla sanadkaas ayay xubnihii USC waxay Janaraal Jaamac Yare u soo jeediyeen in uu dalka Raysulwasaare ka noqdo, balse wuu ka cudurdaartay, sababta uu u diidayna wuxuu ku sheegay warnololeedkiisa. Wuxuu yiri “Markii uu Dr. Ismaaciil Jimcaale geeriyooday, dawladdii dhexena burburtay, ayaa madaxdi USC ii soo bandhigeen in aan noqdo Wasiir 1aad, oo waxa ay filayeen in aan xidhiidhin karo iyaga (USC) iyo SNM. Hase yeeshe waa aan ka cudur daartay in aan xilkaas qabto. Waayo waxaan u arkayey in Wasiir 1aad oo cusbi ka soo bixi karay oo keliya Jabhadihi riday dawladdii Askarti. Markaas ka dib ayay Wasiirka 1aad u magcaabeen Cumar Carte, oo ka oggolaaday.”

Burburkii kadib, Jaamac wuxuu kaalin ka qaatay dib-u-dhiska dowladnimada Soomaaliya. Shirkii Carta ee dib-u-heshiisiinta Soomaalida, Jaamac wuxuu Guddoomiye u ahaa Guddigii Axdi-qarameedka diyaariyay, wuxuuna door weyn ku lahaa shirkii 2002 ka furmay magaalada Eldoret ee dalka Kenya. Duullaankii Itoobiya 2006dii kadib na, wuxuu ahaa Guddoomiye-ku-xigeen ka ururkii dib-u-xoraynta Soomaaliya ee looga dhawaaqay magaalada Asmara ee dalka Eritrea. Wuxuu qoray ilaa 6 buug oo uu ugu dambeeyay buugga ‘Taariikhda Soomaalida: Xogogaalnimo u badan’ oo la daabacay 2019.

Luulyo 09, 2017 madaxweyne Farmaajo ayaa Janaraal Jaamac u magacaabay guddoomiyaha guddiga taakuleynta ciidamada qalabka-sida, balse Jaamac xilkaas wuu ka cudurdaartay. “Labo sababood ayaan u diiday. Horta ciidan qaran taakuleyn iyo tabarucaad laguma dhisi karo, aniguna tabar uma hayo oo xil qaran waan ka gaboobay.” Janaraal Jaamac.

Jaamac Qaalib: Isagoo aan dugsi Quraan, iskuul iyo jaamacad dhigan ayuu noqday bare jaamcadeed

Halgan adag oo shaqo iyo wax-is-barid ah ayuu soo galay. Isagoo aan dugsi Quraan, iskuul iyo jaamacad dhigan ayuu bare ka noqday jaamacadaha SIMAD, CITY iyo SIU oo uu ka dhigayay taariikhda siyaasadda Soomaaliya.

“Waxaan macallin noqday anigoo 80 jir ah. Da’ baan ahay oo xusuusta ayaan ku ilaashadaa, iyo in aan dadka ugu faa’iideeyo waxa aan garanayo. Maalinkii uu cashirku si fiican u baxo waan raaxeysanayaa oo habeenkeeda si fiican baan u seexdaa, maalinkii aan dareemo in wax qaldan yihiin oo aysan ardaydu si fiican ii fahminna waan ka walwalaa, waxaana ka fikiraa sidii aan qaladkaas u sixi lahaa” Jaamac Yare

Seddaxdii sano ee la soo dhaafay ayaan nasiib u helay in aan Janaraalka la saaxiibo, oo aan waayihii uu u soo joogay kala sheekeysto, waxna ka qoro. Qof ixtiraam iyo tawaaduc badan oo uu si fudud u helo qofkii u baahdo, deeqsi ah oo si hagar la’aan ah qofka uga dherjisa xogta uu u baahan yahay, caddaalad badan oo marka uu taariikhda ka sheekeynayo ka runsheego, xusuus badan oo aad la yaabay sida uu dhacdooyinka iyo taariikhda u xusuusto ayuu ahaa.

Dhaqammada wanaagsan ee uu Jaamac tusaalaha iigu ahaa waxaa ka mid ahaa sida uu balanta ugu fiicnaa oo uu mar kasta uga soo hormari jiray waqtiga aan ballanno, sida uu u ixtiraamo qofka weyn illaa gabadha yar ee kabalyeeriga ka ah biibbitada aan kula sheekeysan jiray, iyo sidii uu u ahaa qof naxariis iyo garasho badan oo danyarta

u jilicsan ayaanan xusuusteyda ka go’i doonin. Mar kasta uu bannaanka uga soo baxno xeyndaabka Bangiga dhexe oo uu degganaa, gaarigacanle laamiga khudaar ku gado ayuu ka sarrifan jiray lacag shilin Soomaali ah, si uu ugu sadaqeysto danyar galabkii ku soo mari jirtay biibito uu shaah ka cabi jiray.

Jaamac waa maktabad iyo keyd qof ah oo Soomaaliya ka dumay. Kaddib sanado badan oo uu ahaa adeege bulsho, xalay ayuu isaga 89 sano jir ah wuxuu xanuun dhanka wadnaha ah ugu geeriyooday magaalada Jabuuti. Wuxuuna ifka uga tegay 2 xaas iyo 9 qof oo uu dhalay. Eebbe ha u naxariisto, jannooyinkiisa tan ugu sarreysanaya ha ku deeqo Janaraal Jaamac Maxamed Qaalib.

Facebook
LinkedIn
Twitter
Email
Scroll to Top