Waxaa inta badan la sheegaa in Ururka Axdiga Atlantikada ee Woqooyiga la aasaasay isagoo ka jawaabaya hanjabaad ka timid Midowga Soofiyeeti. Heshiiskii lagu aasaasay ‘Gaashaanbuurta NATO’ waxaa la saxiixay 14-kii abriil 1949-kii wuxuuna dhaqan galay 24 agoosto ee isla sanadkaas.
Xaqiiqdii, abuuritaanka Isbahaysigaan wuxuu qayb ka ahaa dadaal ballaaran si loogu adeego saddex ujeedo: ka-hortagga isfidinta Soofiyeedka, reebidda soo-nooleynta millateriga waddaniyadda ee Yurub iyada oo loo marayo joogitaanka Waqooyiga Ameerika ee qaaradda, iyo dhiirri-gelinta is-dhexgalka siyaasadeed ee Yurub.
Wixii ka dambeeyay Dagaalkii Labaad ee Adduunka waxaa la arkay in badan oo Yurub ka mid ah ay u burbureen qaab ay hadda adag tahay in la qiyaaso. Qiyaastii 36.5 milyan oo reer Yurub ah ayaa ku dhintay iskahorimaadka, 19 milyan oo iyaga ka mid ah waa rayid. Xerooyinka qaxootiga iyo saami-qaybsiga ayaa xukumayey nolol maalmeedka. Meelaha qaarkood, heerka dhimashada dhallaanka ayaa ahaa afartiiba mid. Malaayiin agoon ah ayaa lagu weeraray madaafiicdii gubatay ee magaalooyinkii hore. Magaalada Hamburg ee dalka Jarmalka oo kaliya, nus malyuun qof ayaa hoy la’aan ahaa.
Shuuciyadii ay caawisay Midowgii Soofiyeeti waxay u hanjabayeen dowladaha la soo doortay ee ku baahsan Yurub. Bishii Febraayo 1948, Xisbiga Shuuciga ee Czechoslovakiya, oo taageero qarsoon ka helay Midowgii Soofiyeeti, ayaa afgembiyay dowladdii si dimuqraadi ah loo soo doortay ee dalkaas. Kadib, iyadoo laga falcelinayo xoojinta dimuqraadiyadda Galbeedka Jarmalka, Soofiyeedku waxay xayireen Galbeedka Berlin ee ay xulufadu ka taliso si loo xoojiyo qabsashadooda caasimadda Jarmalka. Geesinimadii Berlin Airlift waxay siisay xulafada mustaqbalka wax xoogaa nasasho ah, laakiin asturnaanta ayaa weli ahayd khatar weyn oo ku wajahan xorriyadda iyo xasilloonida.
Halkaan ayaad ka heli kartaa dhammaan kuliyadaha ay Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalabixiso RIIX HALKAAN.
______
Nasiib wanaag, waqtigaas Mareykanku wuxuu dhabarka u jeediyey siyaasadiisii hore ee go’doominta diblomaasiyadda. Gargaarka lagu bixiyey Qorshaha Marshall (oo sidoo kale loo yaqaan Barnaamijka Dib-u-soo-kabashada Yurub) iyo habab kale ayaa kor u qaaday xasilinta dhaqaalaha. Dawladaha Yurub ayaa wakhtigaas u baahneyd kalsooni xagga ammaankooda ah, si kastaba ha ahaatee, ka hor intaanay bilaabin wada-hadalka iyo ka-ganacsiga. Akhristoow, sida caadiga ah heshiisyada Iskaashiga milateri, iyo amniga ayaa keena horumarka dhaqaalaha iyo siyaasadda, waana ujeedooyinka ugu waaweyn ee Gaashaanbuurta NATO.
Wixi ka dambeeyey burburkii Midowgi Soofiyeti sanadkiI 1991-kii, Nato waxay qaadday tillaabbooyin ay dib ugu soo nooleyneyso xiriirka ay la leedahay Warsaw gaar ahaanna Ruushka.
1994-kii waxay Nato xulafadii hore ee Warsaw ay u dirtay farriin ah iney iskaashi kooban la yeeshaan oo ay Nato iskala shaqeeyaan barnaamijyada nabadda, iyaga oo u oggolaaday iney xogaha isdhaafsadaan, dhoollatus milataro oo wadajir ahna sameeyaan isla-markaana howlaha nabad ilaalintana iska kaashadaan.
1997-kiina waxaa la aasaasay golaha wadajirka ee Nato iyo Ruushka oo Moskow siinaya doorka latalinta arrimaha danaha labada dhinac quseeya. Waxaana Moskow la siiyey cod, oo keenay in mararka qaar la dhageysto fikirkeeda.
Wadamada Xubinta ka ah Gaashaanbuurta NATO
NATO waa Isbahaysi ka kooban 30 dal oo xubin ka ah oo madaxbannaan, waa sida uu qoraayo macluumaadka bogga rasmiga ah ee Gaashaanbuurta NATO.
Albaniya, Belgium, Bulgariya, Kanada, Koroshiya, Czech Republic, Denmark, Norway, Estoniya, Faransiiska, Jarmalka, Giriiga, Hungary, Iceland, Talyaaniga, Latfiya, Lithuaniya, Luxembourg, Monterengro, Netherlands, Waqooyiga Macedoniya, Boland, Boortuqaal, Romaaniya, Slovakiya, Sloveniya, Spain, Turkey, Boqortooyada Ingiriiska iyo Mareykanka.
Gaashaanbuurta Nato waxaa la aasaasay iyada oo waddamada isku bahaystay ay ugu dan lahaayeen si ay isaga caabbiyaan isballaarintii Midowga Soofiyeti uu ku hayey waddamada Yurub, iyada oo NATO lagu sheego inay tahay xulafada militari ee ugu awoodda badan caalamka.
Wuxuu asal ahaan aasaaska gaashaanbuurta NATO uu salka ku hayaa “ilaalinta xornimada, ilbaxnimada iyo athaarta ma guurtada ee ay dalalka xubinka ka ah ee ku yaalla waqooyiga Atlaantikada ay wadaagaan. Waxayna waddamada xubinka ka ah ku heshiiyeen dagaalka hubeysan ee lagu soo qaado waddan ka mid ah ay ka dhigan tahay mid lagu soo qaaday waddamada xubinka ka ah gaashaanbuurta oo dhan.
Waxaad Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ka heli kartaa kuliyadaha Master-ka ah RIIX HALKAAN
____
1955-kii waxay Midowgii Soofiyeeti dhistay xulafa ay gaashaan buurtaasi kaga soo horjeeddo oo loo yaqaannay Warsaw, “Ururka Heshiiska Warsaw (oo sidoo kale loo yaqaan Heshiiskii Warsaw) wuxuu ahaa isbahaysi siyaasadeed iyo mid milatari oo la aasaasay Maay 14, 1955 oo u dhexeeyay Midowgii Soofiyeeti iyo dhowr waddan oo Yurubta Bari ah.” xulafadaasi oo kala tagtay marki uu 1991-kii Midowgii Soofiyeet burburay. Jamhuuriyadda Czech, Hungary iyo Boland oo horay uga tirsanaa gaashaanbuurtii Warsaw ayaa waxay 1999 xubinnimo ka heleen gaashaanbuurta NATO.
Tallaabbadii xigtay oo ay xulafada qaaddoo ayaa waxay ahayd 2004-tii waddamada Estoniya, Lativiya iyo Lithuniya oo Midowgi Soofiyeeti ka mid ah ilaa uu ka burburo 1991 iyo waddamada Slovakiya, Sloveniya, Bulgariya iyo Rumaniya ayaa sida oo kale xubin ka noqday Nato iyada oo xafladda xubinimadooda lagu soo dhaweynayey ay ka dhacday magaalada Washington. Dalka Montenegro ayaa noqday waddankii ugu dambeeyey oo sanaddii 2017-kii xubin ka noqday Nato.
Qaabdhismeedka NATO
Gaashaanbuurta NATO qaabdhismeedkeeda wuxuu ku beegnaa dagaalkii labaad ee adduunka inta uusan billaabmin iyada oo gaashaanbuurta loo sameeyey si isballaadhinta midowga Soofiyeti ay ka waddo Yurub ay uga hortagaan.
Waxayna gaashaanbuurta markii ugu horreysay ay diyaarisay Ciidama Caalami ah oo qaramada midoobay hoos taga oo howlo nabad ilaalin ka fuliyo Bosnia.
1999-kii waxay xulafadu duqeymo dhinaca cirka ah oo socday 11 usbuuc ka fuliyeen Yugoslaviya si ay xoogagga Serb ay uga saaraan Kosovo. Weerarkaasi cirka oo ahaa howlgalkii ciidan ee ugu weynaa oo ay Nato fuliso, marki ugu horreysayna waxay howlgeliyeen ciidamo ka hortagga xoogagga dal jira oo la aqoonsan yahay iyaga oo fasax ka helay Qaramada Midoobay.
Dagaalkaasi marka uu dhamaaday kaddibna waxaa Kosovo kusii sugnaa ciidamo nabad ilaalin oo gaashaanbuurta ka socda oo ay tiradooda gaareyso 16,000 iyada oo tirada ciidamada 2012 lagu soo koobay 6,000 oo keli ah.
2003-dii, Gaashaanbuurta NATO waxay howlgalkeedi ciidan ee ka baxsan Yurub ay ka fulisay dalka Afqaanistaan caasimaddiisa Kabul iyada oo awoodda ciidama nabad ilaalin ay ka haysteen Qaramada Midoobay.
Wixii ka dambeeyey weerarki 9/11
Subaxnimadii taariikhdu marka ay ahayd 9/11/2001, waxay ahayd maalin xasuus leh oo adduunka raad ku reebtay, siyaasadda dunidana wax badan ka badashey. Weerarkii dhacay maalintaas laguna qaadey xarumihii ganacsiga ee adduunka ee looyaqaaney daarihiii mataanaha iyo Xaruntii gaashaandhigga loona yaqaaney Bentigoonka ee Washiton.
Weerarkaan oo dhacay maalin talaado, waxuu lahaa wajiyo badan oo isugu jira kuwo wali daahsoon iyo kuwo la daalacdey.
Weerarkii 11 Sebteember 2001 lala beegsaday Mareykanka ayaa xulafada Nato u noqday fursad aad muhiim u ah. Inkasta oo weerarkaasi Mareykanka lagu qaaday wax ka qabashada dhibaatadi ka dhalatay ay Xulafada Nato ka qayb qaadan, haddana xoghayaha guud ee Nato George Robertson wuxuu ku dhawaaqay in lagu dhawaaqo qodobka 15aad ee xeerka Nato qodobkaasi oo dhigaya weerarka lagu qaado dal ka mid ah Nato inuu la mid yahay weerar lagu qaaday xubnaha Nato oo dhan.
Golaha wadajirka ee Ruushka iyo Nato waxaa la sameeyey 2002, wuxuuna golahaasi uu Ruushka awood u siinayaa iney door la mid ah xubnaha Nato uu ku yeesho go’aannada siyaasadeed iyo arrimaha kale ee la xiriira khatarta dhinaca amniga.
Hase yeeshee, xiriirka Ruushka iyo Nato ayuu madmadow soo galay sanaddi 2004-tii markii ay Moscow ka biyadiidday isballaadhinta gaashaanbuurta ay ka waddo Yurub.
Nato waxay iyaduna sheegtay in Ruushka xubinnimada golaha la hakiyey xilligii uu dagaalka Ruushka iyo Georgia dhexmarayey ilaa uu Ruushka ciidamadiisa oo dhan uu kala baxo Georgia. Balse xiriirka ayaa dib u soo noolaaday kaddib marki uu Barak Obama uu madaxweyne ka noqday 2009, gaashaanbuurtana ay bishi March 2009 ay ku dhawaaqday in dib uu u billowday xiriirka ay Ruush la lahaayeen.
Caqabadaha ugu weyn ee soo foodsaaray NATO
Taariikhda Nato caqabadda ugu weyn ee la deristay waxay ahayd markii uu khilaaf dhex maray Jarmalka, Faransiiska iyo Mareykanka ayna isku khilaafeen dagaalki uu Mareyknaka Ciraaq ku qaaday 2003. Xulafada Nato wax door ah kuma lahayn qabsashadii Mareykanka ee dalka Ciraaq, waddamada xubinka ka ahaana sidaas oo kale, markii dambana waxay ka qayb qaateen iney tababbarro siiyaan ciidamada Ciraaq.
Shir muhiim ahaa oo ay bishii Nofeember 2010 ku yeesheen Lisben waxay dajiyeen ‘fikir cusub’ taasoo ahayd iney xulafadu jaraan miisaaniyadda ciidamada ku baxdo ayna u wareejiyaan la dagaallanka dagaalka dhinaca teknooloojiyadda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump tani iyo inta uu dalka Mareykanka madaxweyne ka noqday wuxuu marar badan uu dhaleeceyn uu usoo jeediyey gaashaan buurta Nato.
Isaga oo eedihiisa ugu badanna u soo jeediyey dalalka Yurub ee xubinka ka ah Nato iney qaaraanka xulafada siddii la rabay u bixin, isaga oo weliba sheegay iney waddamada Yurub ee Nato ka tirsan ay isku halleyn dhaqaalaha Mareykanaka uu xulafada ku bixiyo oo ay qaybtooda bixiyaan.
Qoraalkaan waa mid kamid ah qoraalada ay Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ugu talagashay qorshaha horumarinta bulshada, dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda iyo fahanka guud ee nidaamka dowladnimo. Waxaana kuu diyaariyey Cabdijabaar Sh. Axmed
Cabdijabaar Sh. Axmed waa Qoraa iyo macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha (The University of Government and Economics). Waa tifatiraha guud ee majaladda Diblomaasi.com Waa falanqeeye siyaasadda arrimaha dibedda, diblomaasiyadda, sharciyadda caalamiga. Wuxuu kaloo wax ka qoraa maareynta ganacsiga, dhaqaalaha, falsafada, horumarka bulshada iyo nabadgelyadda. Qoraaga waa qoraa dhawaanahan qoray buuggaag iyo qoraallo kala duwan oo aan dhanka wax tarka kala dhicin.