‘Waxaan u mahad naqayaa maamulka iyo macalimiinta jaamacadda oo runtii fursad dahabiya inoo siiyay inaan qaadano koorsooyinkaan baahida wayn loo qabay.


Inta badan koorsooyinka khadka tooska ah ee ay bixiso jaamacadda waa kuwa raqiis ah oo ku habboon aqoonta iyo darajada koorsadaas, kuna habboon jeebka dadka isbeddel-doonka ah.

Waxbarashada Online-ka ah waxay qofka u fududaynaysaa inuu wax baran karo asigoo shaqeysanaayo. Nidaamka casriga ee waxbarashada online ah ayay dad badan u arkaan fursad aad qaali u ah oo ay nafsadooda u kobcin karaan.

Wakhtigii ay jaamacadda bilawday koorsooyinkan wakhtiga gaagaaban ee online ah waxaa ka faa’idaystay arday badan oo kala joogo daafaha caalamka. Luqmaan Sheikh Maxamed wuxuu kamid yahay ardayda ka faa’idaysatay fursadahaas, wuxuuna 5 maalmood gudaheeda ku qaatay labo koorso oo kala duwan.

“Waxaan ka mid ahay ardayda ka faa’idaystay koorsooyinka Professional Training ah oo ay habka casriga ah ku bixiso Jaamacadda Dowlada iyo Dhaqaalaha. Waxaan u mahad naqayaa maamulka iyo macalimiinta jaamacadda oo runtii fursad dahabiya inoo siiyay inaan qaadano koorsooyinkaan baahida wayn loo qabay, kaas ooy keeneen waqtigii ku habboonaa.”

– ayuu yiri Luqmaan Sheikh Maxamed oo illaa labo koorso oo kala duwan ku qaatay online-ka.

Luqmaan ayaa qaatay labo koorso oo kala ah: Project Monitoring And Evaluation Certificate iyo Supervision And Management Skills. Labadaas koorso wuxuu ku qaatay 5 maalmood gudahooda asigoo waliba gurigiisa aan ka dhex bixin. Wuxuuna shahaadooyinka koorsooyinkaas ku helay 24 saacadood gudaheeda. Taasi waxay ku tusinaysaa sida  Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha ay ugu hawlan tahay horumarinta bulshada. Sababtoo ah jaamacadda waxay aaminsan tahay ‘faa’idooyinka waxbarida bulshadeena inay tahay mid ka mid ah maalgashiga ugu muhiimsan si aan u helno bulsho wanaagsan oo mustaqbal fiican leh.

Waxbarashadu waa safar nololeed. Inaad aqoon korrarsato weligeed ma joogsato. Had iyo jeer waxaa jira aqoon cusub, 10 sano kahor aqoontii aad baratay maanta isbeddel ayaa ku dhacay – waa habka dunida ay u shaqeyso oo lagu ogaanayo, habab cusub oo aan nafteena ku hagaajin karno, iyo caqabado cusub oo aan wajihi karno.

Waxaa laga yaabaa inaysan dad badan fahmin muhiimada socdaalkooda waxbarasho ee wakhtiga la joogo, laakiin waxa hubaal ah inay dareemi doonaan wakhti aan wakhtigaan ahayn!

“Waxbarashadu waa dhaqdhaqaaqa mugdiga ilaa iftiinka.”– Allan Bloomm

Warbixino iyo caddeymo lagu ogaaday ayaa sheegayso in ka-qaybgalka tacliinta sare ee jaamacaddeed ay hagaajinayso is-dhexgalka bulshada, dhaqdhaqaaqa bulshada, raasamaal bulsho iyo xasilloonida siyaasadeed.

Waxaan shaki ku jirin in helitaanka waxbarasho sare ee jaamacaddeed ay haggaajiso nolosha qofka iyo bulshadaba. Waxay wanaajisaa aqoonta nafta, fursadaha shaqo waxayna kor u qaadaa ka qaybgalka bulshada.

Jaamacadaha sida wanaagsan loo maalgeliyay oo xambaarsan aqoon waxay leeyihiin saameyn bulsho iyo mid dhaqaale oo baaxad leh. Dabcan, xasillinta arrimaha amniga ee Soomaaliya qeyb weyn ayay ka qaadan karaan jaamacadaha dalka laakiin dhibaatada jirta ayaa ah looma ogsoona hawlaha bulshada ay u hayaan.

Baahida loo qabo waxbarasho tayo leh ayaa sii kordheysa, waxaana hadda daboola jaamacado iyo machadyo kooban oo Soomaaliya ku yaalla oo keliya. Waxa ay na siinaysaa farxad aad u weyn in aan idinla socodsiino in Jaamacadda Dawladda iyo Dhaqaalaha ay tahay jaamacadda kaliya ee ku takhasustay dugsiga dawladda iyo dhaqaalaha.

Waxaa laga yaabaa inaad su’aalo iswaydiinaysay, “Sidee fasalada online-ka u shaqeeyaan?”

Haddii aad tahay qof tixgelin gaar ah u haayo waxbarashada Online-ka ah waxaa aaminsanahay inaad u arkaynin wax culeys ah. Haddii nidaamka waxbarashada online-ka ah ay tahay doorashadaada saxda ah ee adiga kugu habboon. Haddii aad waligaa iswaydiisay, “koorsooyinka online-ka lagu qaato ma tahay fikrad wanaagsan?” Jawaabta aan ku siinayno waa HAA!

Jaamacadda waxay bixisaa fursado waxbarasho oo online-ka lagu qaato koorsooyin shahaado leh si loo kobciyo aqoonta xirfadlayaasha. Iyadoo ujeedku yahay xagga horumarinta xirfadaha muhiimka ah sida akhris-qoraalka dhijitaalka ah, cilmi-baarista, xirfadaha iskaashiga, iyo xirfadaha fekerka muhiimka ah iyo hal-abuurka. Jaamacaddu waxay sidoo kale ardayda siisaa fursado ballaaran oo ay ku shaqeystaan, u helaan dhiirigelin, oo ay u helaan xirfadaha mustaqbalka ee adeegga dadweynaha iyo xirfadlayaasha ganacsiga.

Waxaan siinaa dariiqooyin loogu talagalay waayo-aragnimada wax ku oolka ah waxaanan ku dhiirigelinaa ardayda inay si qotodheer u baaraan oo ay si halabuur leh uga fikiraan siyaasadda iyo arrimaha dadweynaha. Ujeedka ugu weyn ee Jaamacadda Dowladda iyo Dhaqaalaha oo dhan waa guusha ardaygeena.

Qaabka koorsooyinka online-ka: Waxaa gudaha webkeena soo gelinaa dukumeentiyo, qoraallo, sawirro, iyo muuqaallo mararka qaar. Ardaydu waxay horumariyaan xirfadahooda, bartaan xirfado cusub, waxayna sahamiyaan hiwaayadaha kala duwan iyagoo baranaaya waxyaabaha ay xiisaynayaan. Koorso walbo oo ay jaamacadda bixiso waxay leedahay qaabab u gaar ah si ardayda u fahmaan cilmi koorsada ku jira.

Sidee iskeega diiwaan gelin karaa koorsooyinka Online-ka ah ee ay jaamacadda bixiso?

Muuqaalkaan daawo RIIX:

Dhammaan fursadaha koorsooyinka ee ay jaamacadda soo bandhigto waa kuwa la fuddudeeyay qaabka diiwaan gelinta iyo sida ardaydaba ku heli karaan shahaadooyinka ay xaqa u leeyihiin inay helaan. Faa’iidooyinka qaadashada xiisadaha khadka tooska ah ma ahan kuwa halkaan lagu soo koobi karo, waxaa macquul ah inaad wakhti horeba aad la socoto faa’idooyinka ku jira.

Facebook
LinkedIn
Twitter
Email
Scroll to Top